Sida wararka aynu ku helayno Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida ayaa gacanta ku dhigay caawa fiidkii gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo marayay isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa ku amray sida la sheegay labo ruux oo gaariga saarnaa oo watay labo qori oo Ak 47-ka in soo dagaan waxaa kadib ay ciidamada baaritaano ay ku sameeyeen labada shaqsi.
intuu baaritaanka socday waxaa qarxay gaariga ay wateen labada shaqsi oo la sheegay in ay saarnayeen waxyaabaha qarxa waxaa halkaas ku dhintay labada ruux iyo askar ka Tirsan ciidamada dowlada Soomaliya.
Wixii kusoo kordha Warkaan La soco

