Ciidamo Ka Tirsan kuwa Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed ayaa Goordhaweyd Gudaha u galay Xarunta Idaacada Shabeelle ee Magaalada Muqdisho oo ku taala degmada Hodan.
Ciidamada Nabad Sugida ayaa ka kaxeystay Xarunta idaacada qaar kamid ah shaqaalaha oo xiligaas ku sugnaa xarunta.
Wariye Maxamed aadan ibraahim Onkod oo ah war doone ka Tirsan idaacadaas iyo wariye Cali Axmed Cabdulle Soomaali ayaa la sheegay in laga ka xeystay xarunta idaacada Shabeelle.
Xasan Wali Shiikh Abuubakar oo ah Agaasime ku-xigeenka idaacada Shabeelle ayaa idaacada simba kaga warbixiyay ciidamada Nabada Sugida ee gudaha u galay xarunta iyo shaqaalaha laga ka xeystay Tiro ahaan.

