Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed ee NISA ayaa xabsiga kasii daayay labo wariye oo ka Tirsan Idaacadda Shabeelle oo Xalay Salaadii Cishe kadib ay ka wateen xarunta idaacadda.
War Doone Maxamed Aadan Ibraahim (Onkod) iyo Cali Axmed Cabdulle (Cali Soomaali), ayaa dib u helay xoriyadooda, wax yar uun ka dib markii uu xabsiga ku booqday General C/laahi Gaafow Maxamuud, Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).
Maamulka Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho ayaa si diiran u soo dhaweeyay sii deysmada Labada wariye oo xalay ay ka Wateen Xarunta Idaacadda Ciidamo ka Tirsan kuwa Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka soomaliyeed ee NISA.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in idaacadda ay tabisay warar ku aadan in Ciidamada Al-shabaab ay la wareegeen deegaanka Lafoole oo kamid ah deeganada ay gacanta ku heyso Dowlada.

