Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya oo Gaaray Deegaanka Godin Labe+Sawirro

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa Maanta gaaray Deegaanka Godin Labe ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaliya.

Waxaa Safarkiisa deegaanka Godin Labe ee Gobolka Galgaduud, ku wehlinaayay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye Yabooh,Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Galmudug sida Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey, siyaasiyiin kale.

Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa durbadiiba kulamo la qaatay dadka dagan deegaanka Godin Labe ee Gobolka Galgaduud, isagoo kala hadlay xaalada amniga iyo hormarka ka jira deegaanka.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa  uu waddo qorshe uu mar kale kuwada hadal siinayo Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna waljameeca oo qilaaf uu ka dhaxeeyo.

 

DSC09257-768x432 DSC09260-768x432 DSC09263-768x432 DSC09264-768x432 DSC09268-768x432 DSC09271-768x432 DSC09277-768x432 DSC09278-768x432 DSC09281-768x432 DSC09283-768x432 DSC09295-768x576 DSC09306-768x576 DSC09308-768x576 DSC09315-768x576 DSC09316-768x576 DSCN4448-768x576 DSCN4453-768x576 DSCN4461-768x576 DSCN4473-768x576 DSCN4490-768x576 DSCN4532-768x576 DSCN4535-768x576 DSCN4542-768x576 DSCN4587-768x576 DSCN4608-768x576

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here