Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa Maanta gaaray Deegaanka Godin Labe ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaliya.
Waxaa Safarkiisa deegaanka Godin Labe ee Gobolka Galgaduud, ku wehlinaayay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye Yabooh,Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Galmudug sida Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey, siyaasiyiin kale.
Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa durbadiiba kulamo la qaatay dadka dagan deegaanka Godin Labe ee Gobolka Galgaduud, isagoo kala hadlay xaalada amniga iyo hormarka ka jira deegaanka.
Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa uu waddo qorshe uu mar kale kuwada hadal siinayo Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna waljameeca oo qilaaf uu ka dhaxeeyo.


























