Askartaan Xukunka lagu riday oo gaaraysa 9-ka askari oo ka mid ah ciidamada AMISOM ee hawgalka u jooga Somaliya ayaa la sheegay in lagu helay dambiyo la xiriira in ay Musuqmaasuqeen agabyo iyo shidaal loo keeno Ciidamada Amisom.
Sagaalkaan Askari ayaa waxaa ay qayb ka ahaayeen koox askar ah oo la qabtay iyagoo shidaal iyo qalabyo kale ku iibinaya Garaash ku yaala Wakaaladii Biyaha ee aga’gaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Ciidamaan ayaa lagu xukumay xabsi u dhexeeya 1 sano illaa iyo 3 sano ciidamadaan xukunka lagu riday ayaa sidoo kale waxaa ku jira saraakiil darajooyin kala duwan kahayay Ciidamada AMISOM.
Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada AMISOM Dick Olum,ayaa ku dhawaaqay Xukunka lagu riday Askartaan.
Major Bob Francis Aring oo ahaa Taliyihii Haystay Ciidamada Masuqmaasuqa lagu eedeeyay ayaa dhawaan lagu Xakumay hal sano oo Xariga ah iyo hoos loo dhigo darajadii Ciidan ee uu lahaa, kadib markii ay ku cadaadeen eedeymihii loo heystay.







