Ku Dhawaad 10 Askari oo ka Tirsan Ciidamada AMISOM oo Xukuno Kala Duwan Lagu Riday+Sawirro

0

Askartaan  Xukunka lagu riday oo gaaraysa 9-ka  askari oo ka mid ah ciidamada AMISOM ee hawgalka u jooga Somaliya ayaa la sheegay in lagu helay  dambiyo la xiriira in ay Musuqmaasuqeen  agabyo iyo shidaal loo keeno Ciidamada Amisom.

Sagaalkaan Askari ayaa waxaa ay qayb ka ahaayeen koox askar ah oo la qabtay iyagoo shidaal iyo qalabyo kale ku iibinaya Garaash ku yaala Wakaaladii Biyaha ee  aga’gaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Ciidamaan ayaa lagu xukumay xabsi u dhexeeya 1 sano illaa iyo 3 sano ciidamadaan xukunka lagu riday ayaa sidoo kale waxaa ku jira saraakiil darajooyin kala duwan kahayay Ciidamada AMISOM.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada AMISOM Dick Olum,ayaa ku dhawaaqay Xukunka lagu riday Askartaan.

Major Bob Francis Aring oo ahaa Taliyihii Haystay Ciidamada Masuqmaasuqa lagu eedeeyay ayaa dhawaan lagu Xakumay hal sano oo Xariga ah iyo hoos loo dhigo darajadii Ciidan ee uu lahaa, kadib markii ay ku cadaadeen eedeymihii loo heystay.

28400133293_fb2920478d_m 28400133523_5cbce40d5b_n 28400133693_abbdc96fee_m 28941433231_24ca88a834_m 28941433471_9bb06e7292_m 28941433981_0e50c57853_n

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here