Macalinka kooxda Leicester City Claudio Ranieri ayaa aaminsan in xidiga qadka ee Danny Drinkwater dib loogu yeeri doono xulka dalka Ingiriska hadii uu bandhig wanaagsan ka sameeyo koobka Champions League.
Danny Drinkwater ayaa ka qeyb qaatay kaalin weyn in ay kooxda Leicester City ay markii ugu horeysay Taariikhda ku Guuleysato Horyaalka dalka Ingiriiska.
Si Kastaba Macalinkii Hore ee xulka dalka England ee shaqada ka tagay Roy Hodgson Kadib markii xulkaas laga badiyay ayaa Ciyaarihii Uero 2016-ka dhexdiisa u xushtay xidigaha Jack Wilshere, James Milner iyo Jordan Henderson.

