Dowlada Soomaliya oo Rajo Wanaagsan ka Qabta Arinta  Dacwada Badda ee kala Dhaxeysa Kenya

0

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya C/salaan Hadliye Cumar oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Rajo wanaagsan ay ka qabaan arinta Dacwada Badda ee kala dhaxeysa Dowlada Kenya.

Mudane C/salaan Hadliye Cumar ayaa tilmaamay in ay dowlada soomaliya ay haysato qareeno wanaagsan oo soomaliya iyo ajaanib isugu jirta islarmarkaana ay rajo wanaagsan ka qabaan arinta Muranka badda.

“19-ilaa 20-ka Bisha September ayeey dacwada dib u furmaysaa, Somaliya anaga rajo ayaan ka qabnaa inaan ku guuleysano dacwada hortaala ICG, sababtoo ah waxaan haysanaa Qareeno fiican oo u kala dhashay dalalka France, USA iyo UK, gabar Somali ah ayaana madax u ah oo dacwada dhaqaajinaysa.” Ayuu yiri Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya.

6- Feb, 2016 ee sanadkaan  Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliyeed Dr. Axmed Cali Daahir ayaa Maxkamada  Dambiyada Caalamiga ah ee ku taala dalka Holland u gudbiyay Dukumintiyo cadeynaya in dowlada Soomaliya ay si sharci  ah ay u leedahay Badda lagu muransan yahay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here