Qaramada Midoobe oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dhismaha Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka

0

Qaramada Midoobe ayaa si diiradan usoo dhaweysay  ansixinta dhismaha Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka, oo shalay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud uu saxiixay.

Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya Somaaliya Amb Michael Keating ayaa sheegay sharcigaan inuu yahay mid Dowladda Somaliya awood u siinaayo ilaalinta xuquuqda aadanaha, xili soomaliya lagu tiro dalalka ku xadgudba ilaalinta xuquuqda aadanaha.

“Waa war ay ku farxaan Somalida, waxaan ugu hambalyeynaa dowladda  Soomaliya iyo hey’adaha bulshada rayidka ah halkan ay gaareen si loo xushmeeyo xuquuqda aadanaha, Soomaliya markii ay burburka gashay dalka waxaa ka dhacay Tacadiyo badan oo la xiriira xuquuqda aadanaha balse sharcigaan waa mid sahlaya ilaalinta xuquuqda aadanaha.” sidaa waxaa yiri Michael Keating Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya Somaaliya.

Dhanka kale Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya Somaaliya Amb Michael Keating ayaa amaan usoo jeediyay Wasiirka wasaarada Haweenka iyo xaquuqul insaanka ee xukuumadda soomaliya Marwo Sahro  Cali Samatar  oo qeyb weyn ku leh dhismaha Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here