Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya C/salaan Hadliye Cumar oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Rajo wanaagsan ay ka qabaan arinta Dacwada Badda ee kala dhaxeysa Dowlada Kenya.
Mudane C/salaan Hadliye Cumar ayaa tilmaamay in ay dowlada soomaliya ay haysato qareeno wanaagsan oo soomaliya iyo ajaanib isugu jirta islarmarkaana ay rajo wanaagsan ka qabaan arinta Muranka badda.
“19-ilaa 20-ka Bisha September ayeey dacwada dib u furmaysaa, Somaliya anaga rajo ayaan ka qabnaa inaan ku guuleysano dacwada hortaala ICG, sababtoo ah waxaan haysanaa Qareeno fiican oo u kala dhashay dalalka France, USA iyo UK, gabar Somali ah ayaana madax u ah oo dacwada dhaqaajinaysa.” Ayuu yiri Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya.
6- Feb, 2016 ee sanadkaan Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliyeed Dr. Axmed Cali Daahir ayaa Maxkamada Dambiyada Caalamiga ah ee ku taala dalka Holland u gudbiyay Dukumintiyo cadeynaya in dowlada Soomaliya ay si sharci ah ay u leedahay Badda lagu muransan yahay.

