Shah Rukh Khan oo Sharaxaad ka Bixiyay Sababaha Keenay in ay Xiraan Ma’suuliyiinta Socdaalka Mareykanka

0

Xiddiga caanka ee Bollywood Shah Rukh Khan ayaa sharaxaad ka bixiyay sababaha marka sedexaad keenay in ay xiraan masuuliyiinta socdaalka Garoonka diyaaradaha dalka Mareykanka.

Khan ayaa bogiisa Twitter ku qoray ka dib markii laga fasaxay garoonka diyaaradaha Los Angeles “Waxaan si buuxda u fahamsanahay aana ixtiraama amaanka sida aduunku yahay, laakiin in laanta socdaalka ee Mareykanka mar walba oon imaado ay I xiraan runtii waa arin la dhibsado,”.

ka dib markii wararka ku saabsan dhacdada Khan laga siidaayay telefishanka hindiya, kaaliyaha xoghayaha arimaha dibada Maraykanka Nisha Biswal si deg deg ah ka muujiysay qoomamo. “Waan ka xumahay, waayo, garoonka diyaaradaha, – xataa diblomaasiyiinta Americanka ayaa maro baaritaanka dheeraad ah” ayay Biswal Twitter gareesay.

Sidaan oo kale sanadkii 2012-ka Shah Rukh Khan ayaa loogu xirey Garoonka Diyaaradaha Magaalada  New York ee dalka mareykanka waxaana jirey buuq badan oo ka yimid  taageerayaashiisa  kuwaaso ku eedeeyay Maraykanka  midab takoor, iyadoo xukuumada Washington raaligelin ka bixisay arintaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here