Sawirro:- Musharaxa Madaxweynaha Soomaliya Dr C/naasir oo Muqdisho Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay

0

Munaasabad si heer sare loosoo agaasimay islamarkaana lagu soo dhaweynayay Musharaxa Madaxweynaha Soomaliya Dr C/naasir Cabdulle Jaamac Maxamed  ayaa Lagu qabtay Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin kala duwan sida Xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaliya, kan Galmudug, Mas’uuliyiin xilal horey ugu soo qabtay Dowladihii  Soomaliya soo maray  sida wasiirkii Hore ee arrimaha Gudaha Dowladii Kmg-ka aheyd Mudane Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere), madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Axmed Caalin, Nabadoono,Siyaasiyiin iyo marti sharaf kale  ayaa kasoo qeyb galay xaflada soo dhaweynta Musharaxa Xisbiga Gurmad ee Doorashada soomaliya.

Gudaha Hoteelka Saxafi  ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu Xardhay Sawirada Musharaxa Madaxweynaha Soomaliya Dr C/naasir Cabdulle Jaamac Maxamed iyo hal ku dhigyo lagu Taageerayay Musharax amaanka Hoteelka ayaa si weyn loo adkeeyay.

Ugu horeyntii Wasiirkii Hore ee arrimaha Gudaha Dowladii Kmg-ka aheyd Mudane Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere),  oo xaflada ka hadlay  ayaa sheegay in gacmo furan ay kusoo dhaweynayaan musharaxnimada Dr C/naasir Cabdulle Jaamac Maxamed Doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

“Waxaan meeshaan Maanta iskugu imaanay Munaasabad aan kusoo dhaweynayno Musharaxa Madaxweynaha Soomaliya  Doorashada Soomaliya bisha October, xaqiiqdii maanta waad u jeedaan soomaliya waxa ay u baahan tahay hogaan daacad ah sida Musharax Dr C/naasir Cabdulle Jaamac Maxamed oo ah aqoonyahan Soomaliyeed.

Xildhibaano, Siyaasiyiin, Nabadoono goobta ka Hadlay ayaa si diiran usoo dhaweeyeen Musharaxnimada Dr C/naasir Cabdulle Jaamac Maxamed oo ah aqoonyahan soomaliyeed oo isku soo taagay qabashada xilka Madaxweynaha Soomaliya doorashada Bisha October ee sanadkaan 2016-ka dalka ka dhacaysa.

Ugu Dambeyntii Dr C/naasir Cabdulle Jaamac Maxamed oo xaflada ka hadlay ayaa soo bandhigay qaar kamid ah waxyaabaha uu diirada saari doono haduu ku guuleysto doorashada  Soomaliya bisha October dhacaysa.

“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa qaabka wanaagsan aad ii soo dhaweyseen waa wax aan isku leenahay, waa wax islaanimo ah, waa  wax soomaalinimo ah, waxaan halkaan iskugu nimaanay soo dhaweyn anigana sidaas oo kale ayaan idin soo dhaweynayaa, isbarashadiina, isdhaxgalkiina iyo in aan u gurmano Soomaliya”, ayuu yiri Dr C/naasir Cabdulle Jaamac Maxamed.

Musharaxa Madaxweynaha Soomaliya Dr C/naasir Cabdulle Jaamac Maxamed ayaa ka hadlay arrimaha uu diirada saari doono haduu ku guuleysto Doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

“Markaad kasoo dagto Garoonka Diyaaradaha muqdisho waxyaabaha ugu horeeya ee dadka iyaga isha saaraan waa amniga, laakin aniga waxyaabaha ugu horeeyo oo aan arko oo ishayda ay iqabato waa saboolnimada, waxyaabaha saboolnimada keena waa colaada, amni la’anta Dowlad La’aanta. Gurmad ma ahan dad isku yimaaday oo dhahay aan galno siyaasada, waa xisbi leh  dhaqaatir leh, Looyaro leh, Aqoonyahano leh, hooyooyin Leh, kaliyah waxa ay u adkeysan waayeen Baahida, colaada Saboolnimada , tahriibka, oo anaga dhaqan noo Noqday, Gurmadna waa kuwii ka saari lahaa dalka waxyaabahaas” ayuu mar kale yiri mar kale Dr C/naasir Cabdulle Jaamac Maxamed.

Dr C/naasir Cabdulle Jaamac Maxamed ayaa ku dhashay degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud Bartamaha Soomaliya sanadkii sanadkii 1970kii.

Waxbarashadiisa hoose waxaa uu ku qaatay Muqdisho, dugisga dhexe iyo sarena waxaa uu ku qaatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, darajada koowaad ee jaamacadana wuxuu ka diyaariyay kuliyada Cilmiga Siyaasada jaamacada North Carolina ee dalka mareyakanka sidoo kale wuxuu bartay Dhaqtarnimo isagoo ku taqasusay Dental of surgery, wuxuuna maamule ka yahay ama milkiile xarumo badanoo cafaimaad kuwaasoo ku yaala dalka mareykanka

 

gurmad_1 gurmad_2 gurmad_3 gurmad_4 gurmad_5 gurmad_6 gurmad_7 gurmad_8 gurmad_9 gurmad_10 gurmad_11 gurmad_12 gurmad_13 gurmad_14 gurmad_15 gurmad_16 gurmad_17 gurmad_18 gurmad_19 gurmad_20 gurmad_21 gurmad_23 gurmad_24 gurmad_25 gurmad_26

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here