Xiddiga caanka ee Bollywood Shah Rukh Khan ayaa sharaxaad ka bixiyay sababaha marka sedexaad keenay in ay xiraan masuuliyiinta socdaalka Garoonka diyaaradaha dalka Mareykanka.
Khan ayaa bogiisa Twitter ku qoray ka dib markii laga fasaxay garoonka diyaaradaha Los Angeles “Waxaan si buuxda u fahamsanahay aana ixtiraama amaanka sida aduunku yahay, laakiin in laanta socdaalka ee Mareykanka mar walba oon imaado ay I xiraan runtii waa arin la dhibsado,”.
ka dib markii wararka ku saabsan dhacdada Khan laga siidaayay telefishanka hindiya, kaaliyaha xoghayaha arimaha dibada Maraykanka Nisha Biswal si deg deg ah ka muujiysay qoomamo. “Waan ka xumahay, waayo, garoonka diyaaradaha, – xataa diblomaasiyiinta Americanka ayaa maro baaritaanka dheeraad ah” ayay Biswal Twitter gareesay.
Sidaan oo kale sanadkii 2012-ka Shah Rukh Khan ayaa loogu xirey Garoonka Diyaaradaha Magaalada New York ee dalka mareykanka waxaana jirey buuq badan oo ka yimid taageerayaashiisa kuwaaso ku eedeeyay Maraykanka midab takoor, iyadoo xukuumada Washington raaligelin ka bixisay arintaas.

