
Sida warar lagu kalsoonan karo oo ay heshay Idaacadda simba ee magaalada Muqdisho waxaa maamulka Galmudug uu qorsheenayaa in degmooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb oo ay ka arimiyaan maamulka Ahlu sunna ay geeyaan ciidamo ka socda AMISOM.
Ujeedka Ciidamada Amisom ayaa Yimid sida la sheegay kadib markii ciidamada maamulka ahlu sunna ay cadaadis saareen odoyaasha dhaqanka ee Dhuusa Mareeb iyo Guriceel ayna ku amreen in aysan ka qeyb qaadan Karin xulista xubnaha labada aqal ee dalka.
Maamulka Galmudug oo dibad joog ka ah caasimadda maamulkaasi ayaa kulan Muqdisho kula yeeshay mas’uuliyiin sar sare oo katirsan dowlada Soomaaliya iyo saraakiil katirsan Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socda.
Maamulka Ahlu sunna ayaa si cad u sheegay in aysan ka qeyb aheyn xubnaha labada aqal ee dalka iyagoona kasoo horjeestay shirka madasha wada tashiga qaran ee looga arinsanaye doorashooyinka soomaaliya ee sanadkaani.
Warar hoose ayaa sidoo kale sheegaya in la isku fahmi waayey waan waan hoosaadkii u dhaxeysay maamulada Galmudug iyo Ahlu sunna oo ay gar wadeynta ka aheyd dowladda Ethiopia.
Waxaa la is weydiinayaa ciidamada AMISOM ee maamulka Galmudug uu qorsheenayo in uu geeyo degmooyinka iyo deegaanada Ahlu sunna gobolada dhexe uu ka arimiyo in ee yihiin ciidamada Ethiopia iyo in ay noqon doonaan kuwo isku dhaf ah.
