Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Dhulka Soomaliya ayaa ku waramaya in halkaasi uu ka dhacay shil gaari uu ku dhaawacmay Mas’uul ka Tirsan Maamulka Ahlusuna waljameeca ee Gobolada Dhexe.
Shilka Gaari oo ka dhacay Wadada u dhaxeyso degmooyinka Guriceel iyo Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa dhaawac culus uu kasoo gaaray Madaxweyne ku xigeenka Maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna Sheekh Xasan Gaboobe.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Ahlusuna waljameeca uu dhaawac ka soo gaaray Dhanka Madaxa,iyadoo Dhaawaciisa la sheegay inuu Fudud yahay, waxaa sidoo kale jira askar la socotay Mas’uulka oo ku dhaawacantay Shilka Gaari.

