Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya oo Maamulka Koonfur Galbeed u balan Qaaday in uu ka Taageerayo dib u Dhiska+Sawirro

0

Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ayaa Habeenkii xalay ahaa Madaxtooyada Maamulkaas  Xaflad Soo Dhaweyn aheyd  Ugu Sameeyey Wafdi Caalami ah oo Ka Socda Dowlada Taliyaaniga Kuwaasoo Doonaya in Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka Fuliyaan Mashaariic  kala duwan.

Munaasabada waxaa ka qeyb madaxweynaha Koonfur Galbeed soomaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan, Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed soomaliya C/qaadir Shariif Sheequna Maye, wasiiro , Xildhibaano, Safiirka Dowlada Talyaaniga ee soomaliya iyo Mas’uuliyiin kale.

Ugu Horeyntii Safiirka dowlada Talyaaniga ee Soomaliya Mr Fabrizio Marcelli, oo Munaasabada ka Hadlay ayaa sheegay in dowlada Talyaaniga ay mar walba garab taagan tahay maamulka Koonfur Galbeed soomaliya.

Dowlada Taliyaaniga ayaa waxay horaantii sanadkan Koonfur Galbeed Soomaaliya ugu deeqdey Radio FM ah oo ku hadla Afka Maamulka  Kaasoo hadda si weyn looga dhageysto Magaalada Baydhabo iyo Nawaaxigeed.

13814057_293011747722275_914472999126929497_n 13886439_285831188450394_8384997811143136768_n 13907139_285830995117080_6167174182996447981_n 13924923_1667900940195266_6650249568431273017_n 13935133_285831781783668_4068924887504869939_n

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here