Askar Booliis ah oo Tababar Loogu Soo Xirey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay+Sawirro

0

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay waxaa Tababar Ciidan loogu soo xirey 199 askari oo boolis ah, kuwaasi oo maalmihii dambe tababar ku qaadanayay Duleedka Magaaladaas.

Tababarka la siinayay Ciidamadaan Booliska Koonfur galbeed soomaliya  waxaa bixinaayay Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Booliska Amisom.

Munaasabaddii tababarka loogu soo xiraayay askarta, ayaa waxaa ka qaybgalay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya, General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha Ciidanka Booliska Amisom, Anand Pillay, Kaaliyaha Hawlgalka Qaramada Midoobe Somaliya ee dhinaca booliska, Christophe Buick, Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, Ku Xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya, haweeneyda lagu magacaab Lydia Wanyoto iyo xubno kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliyeed General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, oo ka hadlaayay munaasabadaasi, ayaa sheegay in askartaan oo isugu jira rag iyo dumarba loo tababaray, inay ka shaqeeyaan xasiloonida dalka.

1470960902ea541 1470960901aff88 1470960903b992f 1470960904a8a4e 1470960905de4b9 1470960907d3b42 147096089860ab0 147096089733df7 147096089520d42 14709609102abd8 14709609029a95f 1470960911b87c9 1470960910a53db 147096089885ba6 147096089929def 147096089957d90 147096091127cf7 147096089753391 147096090102369 147096090414382

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here