Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay waxaa Tababar Ciidan loogu soo xirey 199 askari oo boolis ah, kuwaasi oo maalmihii dambe tababar ku qaadanayay Duleedka Magaaladaas.
Tababarka la siinayay Ciidamadaan Booliska Koonfur galbeed soomaliya waxaa bixinaayay Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Booliska Amisom.
Munaasabaddii tababarka loogu soo xiraayay askarta, ayaa waxaa ka qaybgalay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya, General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha Ciidanka Booliska Amisom, Anand Pillay, Kaaliyaha Hawlgalka Qaramada Midoobe Somaliya ee dhinaca booliska, Christophe Buick, Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, Ku Xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya, haweeneyda lagu magacaab Lydia Wanyoto iyo xubno kale.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliyeed General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, oo ka hadlaayay munaasabadaasi, ayaa sheegay in askartaan oo isugu jira rag iyo dumarba loo tababaray, inay ka shaqeeyaan xasiloonida dalka.





















