Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo Kulamo La Qaatay Madaxda Maamulka Soomaalida Itoobiya

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada Jigjiga ee Xarunta Maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa kulamo la qaatay Madaxda Maamulkaas.

Madaxweynaha ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaaladaas isagoo kulamo la qaatay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomalida itoobiya uu ugu horeeyo madaxweyne Cabdi Maxamed  Cumar.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii  la iskaaga kaashan lahaa arrimaha  amniga, la dagaalanka argagixisada, ganacsiga, waxbarashada iyo xiriirka labada dhinac.

Booqashada uu Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ku tagay  magaalada Jigjiga ayaa noqoneysa Booqashadii ugu horeesay uu halkaasi ku tago Madaxweyne Soomaaliyeed oo xil haya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here