Warsaxaafadeed:- Wasaaradda Arrimaha Dibada oo Soo Dhaweyn U Sameysay Danjire Stephen M. Schwartz 

0

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay sharaf u tahay inay soo dhoweyso Danjire Stephen M. Schwartz  oo ah Safiirka cusub ee Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya .

War saxaafadeedkaasi ayaa lagu xusay in Danjire Stephen M. Schwartz uu yahay Safiirkii ugu horeeyay ee Mareykan ah tan iyo 1991 ee loo soo magacaabo Soomaaliya.

“Magacaabistiisa waxa ay caddeyn u tahay xiriirka xooggan ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka . sidoo kale waxa ay tilmaan cad u tahay in Soomaaliya ay u jiheysatay dhanka deganaanshaha iyo horumarka” ayaa lagu sheegay War saxaafadeedka.

Soomaaliya iyo Mareykanka waxaa ka dhaxeeya xiriir laba geesood taariikhi ah. Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliyeed waxa ay u arkaan Xukuumadda iyo Shacabka Mareykanka saaxiib dhab ah iyo isbaheysi garab istaagay Soomaaliya intii lagu guda jiray waqtiyadii adkaa ee laga soo gudbay .

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay ku howlan tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee kala dhaxeeya Mareykanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here