Stephen M. Schwartz ayaa maanta Waraaqihiisa aqoonsiga ku wereejiyay Wasiirka Arrimaha dibada Xukuumada Somaliya Abdisalam Omar Hadliye kadib kulan maanta oo talaado ah ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.
Kulanka ay wadaqaateen Wasiirka iyo Safiirka Maraykanka ee Somaliya Ambassador Schwartz ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho.
Ambassador Schwartz waxaa uu sheegay in magacaabistiisa Somaliya ay calaamad u tahay xiriirka xoogan ee labada wadan,waxaana uu tilmaamay in ay fursad u tahay in muddo 25 sano ah dawlada Maraykanku markii ugu horayay ay safiir usoo magacawdo Somaliya islmarkaana uu ka caawin doono dadka Somaliyeed in ay dhistaan wadan nabdoon.
Ambassador ayaa tilamaamy inta uu xilka hayo uu la shaqayndoono dawlada iyo dadka Somaliyeed si loo dhiso hay’addo hufan oo Wakiil ka ah somalida dawlada wanaag iyo ammaan buuxa.
Ambassador Schwartz ayaa ku ammaanay Somaliya hormarka ay samaysay sideedii sano ee ugu dambaysay waxaana uu ku booriyay madaxda Somalida in sarre usii qaadaan hormarinta dad Somaliya gaar ahaan Dhalinyarada iyo haweenka.




