Jeneraal C/laahi Gaafow Maxamuud Taliyaha Hay’adda Nabada Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed oo maanta shir Jaraaid Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xarumaha Dowlada aysan ka shaqeyn Karin Cid aan wadanin Teysaraha Aqoonsiga Dowlada Hoose.
Ugu horeyntii Taliyaha ayaa sheegay in Taliska uu kusoo batay Dacwadaha la xiriira in ay xiraan Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed dad aan waxba galabsan marka ay dhacaan Qaraxyada iyo Dilalka.
“Baryahaan Qaraxyada ayaa batay, dad si micno daro loo dilaa badatay, waxaa soo batay dadka Xabsiyada noogu yimaada oo raadinaayo dadkooda, sidaas darteed waxaa dhamaan shacabka iyo shaqaalaha dowlada ku wargalinaynaa in ay qaataan kaaraka aqoonsiga Dowlada Hoose anagoo la shaqeynayna Maamulka Gobolka Banaadir ayuu yiri”, Jeneraal C/laahi Gaafow Maxamuud Taliyaha Nabada sugida.
Jeneraal C/laahi Gaafow Maxamuud Taliyaha Hay’adda Nabada Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed ayaa tilmaamay in qaadashada kaarka aqoonsiga Teysaraha dowlada Hoose uu muwaadinkastoo Soomaliyeed ka caawinaayo in la aqoonsado wax uu yahay iyo halka uu ka shaqeeyo.
Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo shirka Jaraaid ka hadlay ayaa sheegay in muwaadin kasta laga doonayo in uu qaato Teesaraha aqoonsiga Dowlada Hoose.
Sababaha keenay qaashada Teesaraha Minishiibiyo Dowlada Hoose ayuu ku sheegay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale in ay tahay in la aqoonsado muwaadin kasto xiliga ay dhibaatooyinka dhacaan.






