Labo Askari oo ka Tirsan Ciidamada Minishiibiyada Dowlada Hoose oo ku Dhaawacantay Bambo Gacmeed Lagu Tuuray

0

Rag Hubeysan ayaa maanta Bambo gacmeed ku tuuray askar ka Tirsan Ciidamada Minishiibiyada Dowlada Hoose xili ay marayeen Gudaha Suuqa Sarifka Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay 2-askari  oo ka Tirsan Ciidamada Minishiibiyada Dowlada Hoose ayaa ku dhaawacantay halka qof rayid ahaa  oo Xoogsade ahaa uu ku dhintay sida idaacada uu u xaqiijiyiyay  qof ku sugnaa goobta oo magaciisa diiday in warbaahinta loo adeegsado.

Askar ka Tirsan Ciidamada dowlada soomaliya oo goobta soo gaaray ayaa ka sameeyay howlgalo iyadoo ilaa haatan aan la ogeyn dadka ay kusoo qabteen howlgalkaas iyagoo goobta ka qaaday askarkii ku dhaawacmya bambada iyo qofkii meesha ku dhintay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here