jeneraal Gaafow:- Cid aan Wadanin Teysaraha Aqoonsiga Dowlada Hoose kama Shaqeyn Karto Xarumaha Dowlada +Dhageyso

0

Jeneraal C/laahi Gaafow Maxamuud Taliyaha Hay’adda Nabada Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed oo maanta shir  Jaraaid Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xarumaha Dowlada aysan ka shaqeyn Karin Cid aan wadanin Teysaraha Aqoonsiga Dowlada Hoose.

Ugu horeyntii Taliyaha ayaa sheegay in Taliska uu kusoo batay Dacwadaha la xiriira in ay xiraan Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed  dad aan waxba galabsan marka ay dhacaan Qaraxyada iyo Dilalka.

“Baryahaan Qaraxyada ayaa batay, dad  si micno daro  loo dilaa badatay, waxaa soo batay dadka Xabsiyada noogu yimaada  oo raadinaayo dadkooda, sidaas darteed waxaa  dhamaan shacabka iyo shaqaalaha dowlada ku wargalinaynaa in ay qaataan kaaraka aqoonsiga Dowlada Hoose anagoo la shaqeynayna Maamulka Gobolka Banaadir ayuu yiri”, Jeneraal C/laahi Gaafow Maxamuud Taliyaha Nabada sugida.

Jeneraal C/laahi Gaafow Maxamuud Taliyaha Hay’adda Nabada Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed ayaa tilmaamay in qaadashada kaarka aqoonsiga Teysaraha dowlada Hoose uu  muwaadinkastoo Soomaliyeed  ka caawinaayo in la aqoonsado wax uu yahay iyo halka uu ka shaqeeyo.

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo shirka Jaraaid ka hadlay ayaa sheegay in muwaadin kasta laga doonayo in uu qaato Teesaraha aqoonsiga Dowlada Hoose.

Sababaha keenay qaashada Teesaraha Minishiibiyo Dowlada Hoose ayuu ku sheegay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale in ay tahay in la aqoonsado muwaadin kasto xiliga ay dhibaatooyinka dhacaan.

075a71120e44745aa9d1 13908847_1746962622209156_2237676426317981649_o 13908961_1746962575542494_2323692111025859290_o 13926022_1746962678875817_4075479616750696051_o 13937734_1746962732209145_1716657268648535801_o

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here