Frank de Boer ayaa loo magacaabay Macalinka kooxda Inter Milan isagoo u saxiixay heshiis 3-sano ah
Inter Milan ayaa macalinkaan Hollandes-ka ku badali doonta macalinkii shaqada laga ceyriyay ee Roberto Mancini, kaasi oo maalinkii shalay ahaa lagu dhawaaqay in laga ceyriyay shaqada Garoonka San Siro.
Suning Holdings Group oo ah Maalqabeenada Kooxda Inter Milan ayaa la dhacsan macalinkii hore ee kooxda Ajax Frank de Boer.

