Gaadiid ay Lahaayeen dad Shacab ah oo Lagu Gubay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe

0

Wararka ka imaanaya Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe aya ku waramaya in maamulka Al-shabaab ee degmadaas in ay Gubeen 5-gaari oo ay lahaayeen dad shacab ahaa.

Sababta ay u gubeen Shabaabka gaadiidkaasi ayaa la sheegay inay uga shakiyeen arimo ku aadan inay ku xiran yihiin qalab haga Diyaaradaha Drone-ska ee inta badan Duqeymaha ka geysta Gobolka Jubbada Dhexe.

Fagaaraha Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa 5-baabuur ay iskugu geeyeen shabaabka iyadoo kadib dab qabad siiyay waxaa goobta sidoo kale ku sugnaa dadkii lahaa buurta la gubay.

Deegaanada Al-shabaab ay ka arimiyaan ee Koonfur dalka Soomaliya waxaa ka mamnuuc ah istimaalka Taleefoonada Kaamirada leh sababo ku aadan in arimo Basaasnimo loo adeegsan karo Taleefoonadaasi.

Diyaaradaha Dowlada Mareykanka ayaa Bartilmaameedsada Saldhigyo ay al-shabaab ku leeyihiin koonfurta dalka Soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here