Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada qarax xalay uu ka badbaaday Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Somaaliya Mudane Maxamed Xasan Nuux, kadib markii xalay fiidkii qarax bam ay ku weerareen gaari uu Wasiirka ka degay.
Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, xilli Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaliya uu ku sugnaa goob laga dukaameysto oo ku taalo Wadada Maka Al-Mukarama.
Warar lagu baahiyay Baraha Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in al-shabaab ay qarax le beegsadeen wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Somaliya Nuux balse uu ka badbadaay qaraxaas.
Waxa ay ku hanjabeen Xarakada Al-Shabaab inay sii wadi doonaan beegsiga ay ku hayaan xubnaha la shaqeeya Dowladda Federalka Somaliya.

![]](https://www.simbanews.net/wp-content/uploads/2016/08/unnamed-file.jpg)