Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guulleed oo Muqdisho Soo Gaaray

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed ayaa Goordhaweyd  soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Muqdisho.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee aadan cadde wafdiga Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed waxaa kusoo dhaweeyay Madax ka Tirsan dowlada Soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka Ka Jira.

Mudane C/kariin Xuseen Guulleed oo dhawaan xaalado caafimaad ugu maqnaa dalka Hindiya ayaa lagu guuleystay in qaliin loogu sameeyo Dhanka wadnaha waxaa haatan uu ku biirayaa Madaxda  ku shirsan Magaalada Muqdisho oo ka Hadlay Doorashooyinka dalka.

Shirka Madashada Wadatashiga qaranka ee Muqdisho ka socda  waxaa Matalayay Madaxweyne Ku-xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here