Cabdi Qaybdiid “ Madaxda Galmudug Way Ku Fashilmeen Dagaalka Al-shabaab iyo Wadahadalka Ahlusuna

0

Madaxweynihii Hore ee Maamulka Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa Madaxda Maamulka Galmudug ku eedeeyay  in ay ku fashilmeen inay Shabaab ka saari waayaan deeganada ay ka joogaan Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaliya.

“Waxaa aad iyo aad runtii nasiib daro ah, maanta reer Galmudug maamulkii ay dhisteen ee ay ku midoobeen deeganadii la haystay oo nimanka Al-shabaab  ah ay haystaan inaan laga xureynin, waa bar madoow oo ku taalo Maamulka  Galmudug Xiligaas .”Ayuu yiri Mudane Cabdi  Xasan Cawaale Qaybdiid.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid)  ayaa sidoo kale sheegay in Maamulka Galmudug uu ku fashilan yahay arimaha ku aadan in wada hadal lala galo Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe oo siyaad ahaan kasoo horjeeda Maamulka uu Hogaamiyo C/kariin Xuseen Guuleed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here