Ehelada Odayaal Maanta Lagu Maxkamadeynyo Magaalada Dhuusa-mareeb oo Cadaalad Darro ku eedeeyay Ahlusuna

0

Qaar kamid ah Ehelada odoyaal Dhaqameed  maanta lagu maxkamadeynaayo Magaalada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa cadaalad daro ku eedeeyay maamulka Gobolka Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca.

Qof kamid ah Ehelada odey la maxkamadeynaayo ayaa idaacada simba ee Magaalada Muqdisho u sheegay in aabihihiisa ay maamulka Ahlusuna waljameeca ay ku heystaan si Cadaalad darro ah islamarkaana saakay markii ay tageen maxkamadda odayaal ay isla socdeen  xabsiga dhigay islamarkaana Taleefanada laga damiyay.

Ahlusuna ayaa odoyaal gaaray Tiro ahaan 10-odey  xabsiga dhigtay kadib markii ay ku  eedeysay in ay la kulmeen  Xarakada  Al-shabaab oo ku sugan  qeybo kamid ah Gobolka galgaduud ee Bartamaha dhulka soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here