Puntland oo Beeniyay in Ciidamo ka Tirsan kuwa Xoogga Soomaliyeed ay La wareegeen Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo

0

C/raxmaan Yuusuf Dhagaweyne, Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha C/laahi Yuusuf Axmed ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay In ciidamo ka Tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaliyeed gaar ahaan kuwa Danab in ay la wareegeen gacanta ku heynta Garoonka.

Wuxuu sheegay Maareeyaha inaysan jirin ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandooska Somaliya oo la wareegay Garoonka, waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Howlaha  Garoonka inay yihiin kuwa caadi ah oo shaqeynaya, islamarkaana uusan jirin wax isbedel ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sababaha ay Kumaandooska Soomaliya ay Garoonka Gaalkacyo ula wareegeen ay tahay in ay halkaa Fariisimo ka sameystaan si ay Weeraro ugu qaadaan Al-shababka ku sugan Gobolka Mudug iyo Galgaduud intaba islamarkaana Qorshahaas ay leedahay Dowladda Mareykanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here