Qaar kamid ah Ehelada odoyaal Dhaqameed maanta lagu maxkamadeynaayo Magaalada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa cadaalad daro ku eedeeyay maamulka Gobolka Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca.
Qof kamid ah Ehelada odey la maxkamadeynaayo ayaa idaacada simba ee Magaalada Muqdisho u sheegay in aabihihiisa ay maamulka Ahlusuna waljameeca ay ku heystaan si Cadaalad darro ah islamarkaana saakay markii ay tageen maxkamadda odayaal ay isla socdeen xabsiga dhigay islamarkaana Taleefanada laga damiyay.
Ahlusuna ayaa odoyaal gaaray Tiro ahaan 10-odey xabsiga dhigtay kadib markii ay ku eedeysay in ay la kulmeen Xarakada Al-shabaab oo ku sugan qeybo kamid ah Gobolka galgaduud ee Bartamaha dhulka soomaliya.

