War naxdin ku ah taagerayaasha kooxda arsenal oo ku aadan in laacibka Riyad Mahrez uu sii joogi doono kooxda Leicester City ayaa soo baxay.
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Algeria ayaa si aad ah loola xiriirinaayay kooxda Gunners balse Milkiilaha kooxda Vichai Srivaddhanaprabha ayaa meesha ka saaray wararkaas wuxuuna sheegay in uu sii joogi doono Riyad Mahrez.

