Dhaqdhaqaaq Ciidan ay Sameenayaan Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa saakay laga dareemayaa Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo xalay ay ku hoyden Ciidamada Xarakada Al-shabaab.
Dad ku nool magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in ay dareemayaan casbi aad u weyn madaama ay Magaalada kusoo si qayaan Ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Amisom al-shabaab-na ay wadaan dhaqdhaqaaq Ciidamada.
Dhanka kale Wasiirka arrimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya C/raxmaan Adan Sate ayaa sheegay in awood yari haysato awgeed ay ciidamada dowlada soomaliya, kuwa koonfur Galbeed ay keentay in ay isaga baxaan Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose, Al-shabaab-na ay la wareegaan.

