Theresa May oo hadda ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Ingiriiska ayaa maalinta arbacada oo bari ah waxaa loo dhaarin doonaa Raisulwasaaraha dalka Ingiriiska ka dib markii ay tartanka isaga baxday haweeneydii la tartameysay Andrea Leadsom.
Theresa May ayaa haatan ah Gudoomiyaha Xisbiga Conservative-ka, dalka Ingiriiska markii ay Tartanka iska baxday haweeneydii loolanka adag kula jirtay ee Andrea Leadsom.
Theresa May, Raisulwasaaraha dalka Ingiriiska ayaa sheegtay inay la imaan doonto qorshaha hogaamineed ee Britain, si ay Ururka Midowga Yurub ugala xaajooto ka bixista Britain.









