Raisulwasaaraha dalka India Narendra Modi, oo maalintii labaad booqasho ku jooga dalka Kenya ee qaarada afrika ayaa la kulmay Mas’uuliyiinta ugu sarsareysa dalkaas sida Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
Narendra Modi, oo booqasho ku maraya qaarada afrika ayaa waxay booqashadiisa kaga bilaabatay dalka Mozambique, iyadoona uu uga sii gudbay South Africa, Tanzania iyo Kenya oo hadda uu ku sugan yahay.
Ra’iisal Wasaaraha India, Narendra Modi, ayaa saxiixay heshiis lagu xoojinayo xiriirka iskaashi ee kala dhaxeeyadalka Kenya, sida ganacsiga, horumarinta iyo ammaanka.
India waxay Afrika kala shaqaynaysaa arrimo ay ka mid yihiin horumarinta, tamarta, ganacsiga iyo maalgashiga, waana ujeedada ugu wayn ee booqashada Ra’iisal Wasaaraha India uu ku maraayo Afrika.














