Idaacada City FM ee Magaalada Jowhar oo Hawada Dib ugu Soo Laabtay

0

Idaacada City Fm oo ku taala Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa hawada dib ugu soo laabatay kadib markii sedexdii maalin aynu soo dhaafnay ay u xirneed Ciidamada Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliya qeybtooda Gobolkaas.

Qaar kamid ah Shaqaalaha idaacada City ee Magaalada Jowhar oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay idaacada hawada dib ugu soo laabatay, sidoo kalana dib ay xuriyadooda u heleen maamulka Idaacada  kadib markii seddex maalin aynu soo dhaafnay ay u xirnaayeen Ciidamada Nabad sugida Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ilaa hadda ma jiro Mas’uul  ka Tirsan maamulka Gobolka oo arintaan ka hadlay waxaa jira eedeemo loo jeedinaayo idaacada oo ku aadan in ay baahisay warar uusan raali ka heyn maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ee dolwlada Soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here