Raisulwasaaraha Dalka India Narendra Modi oo Gaaray Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya

0

Narendra Modi, Raisulwasaaraha dalka India ayaa maanta oo axad ah gaaray Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya isagoo halkaas booqasho labo maalin qaadanaysa ku joogi doona.

Raisulwasaaraha dalka India Modi, ayaa Khamiisti billaabay booqashadiisa Qaarada  Afrika, waxa uu tagay dalalka Mozambique, Koonfur Afrika iyo Tanzania, isaga oo kulamo la yeeshay madaxda dalkaas arrimo uu kala hadlay ayaa u badna Ganacsiga iyo xiriika.

Wakiilka sare ee India, u joogta dalka Kenya, Sutchitra Durai, ayaa sheegtay in Modi uu wadahadalo labo geesood ah Isniinta la yeelan doono madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Dhanka kale Af-hayeenka madaxweynaha Kenya, Manoah Esipisu, ayaa sheegay in barnaamijka raisulwasaare Modi, ay qeyb ka tahay Isbitaal lagu daweeyo xanuunka Kansarka, kaas oo dowladda India ay ka hirgelinayso Kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here