Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumada Soomaliya Maxamed Cabdi Xayir Maraaye ayaa ku taliyay in gaadiidka Bajaajka loo yaqaano ee ka dhex shaqeeya Gudaha Magaalada Muqdisho in laga joojiyo wadooyinka muhiim ah ee ku yaala Gudaha Caasimada.
“Anigu waxaan ku talinayaa in gabi ahaanba Caasimada wadooyinka Muhiinka ah laga mamnuuco Mooto bajaajka runtii waa gaadiid foodo, waxaa macquul ah dadka qaar in ay dhahaan wasiirka wuu yasaa dadka dan’yarta ah, runtii halkaan waa caasimad ma ahan in gaadiid noocaas oo kala ah loo ogolaado goob caasimad ah ayuu yiri wasiir Maareeye.
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumada Soomaliya Maxamed Cabdi Xayir Maraaye oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in uu sidoo kale ku talinaayo in loo ogolaado kaliyah goobaha ay dagan yihiin dadka da’yarta ah.
Dhanka kale kale qaar kamid ah wadayaasha Mooto Bajaajka oo la hadlay idaacada simba ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumada Soomaliya Maxamed Cabdi Xayir Maraaye oo ahaa in laga mamnuuco wadooyin kale oo caasimada ku yaala.
Codka Wasiir Warfaafinta Maareeye
Codka Wadayaasha Mooto Bajaajka

