Maxkamada Darajada Kowaad ee Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland waxaa maanta kasoo hor muuqday Gudoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Gaalkacyo Yacquub Maxamed Cabdalle, kaasoo maalmahaan ku xirnaa saldhiga dhexe ee magaalada Garowe.
Eedeemaha loo heysto Gudoomiyie Ku-xigeenkii Hore ee Degmada Gaalkacyo Yacquub Maxamed Cabdalle waxaa kamid ah inuu saxaafada ka siidaayay hadalo nacayb iyo colaad abuuri karay, isagoo ka hadlayay isbadelkii uu dhawaan ku sameeyay maamulka gobolka Mudug.
Laakiin qareenka difaacayay Yacquub Maxamed Cabdalle oo lagu magacaabo qareen Siciid Cabdi Muumin ayaa beeniyay eedaynta xeer ilaaliyaha, isagoo sheegay Yacquub inuu yahay muwaadin reer Puntland oo xaq uleh inuu soo bandhigi karo aragtidiisa iyo fekerkiisa xorta.
Sheikh Cabdi Nuur Jaamac Xuseen Gudoomiyaha maxkamada darajada koowaa ee gobolka Nugaal oo Maxkamada warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in eedeemaha loo heysto Gudoomiye ku-xigeenkii Hore ee degmada Gaalkacyo dib loo dhigay islamarkaana 12-bishaan dib la iskugu soo laaban doono oo ku beegan maalinta Talaada.

