
Raisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa booqashadiisa ugu dambeysay ku maraya qaar kamid ah wadamad qaarada afrika isagoo haatan ku sugan dalka Ethopia.
Benjamin Netanyahu ayaa booqasho waxa ay isniintii ugu bilaabatay Dalka Uganda isagoo halkaas kula kulmay Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo ay kawada hadleen arrimo badan oo dhanka xiriirka labada dal u badnaa.
Raisal Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, oo qaabilay dhigiisa Israel, ayaa waxaa la sheegay inay ka wada hadleen arrimaha dhaqaalaha iyo Yahuudda Itoobiyaanka ihi, ee ku nool dalka Israel.
Benjamin Netanyahu,ayaa wuxuu ballanqaaday in kumanaan Yahuudda Itoobiya loo ogolaan doono inay taggaan Israel. Waxaa uu sheegay in dowladiisu ay xushmaynayso ballankii ay qaaday ee ahaa in qoysaska kala maqan dib loo midayn doono.








