Raisulwasaare Cumar C/rashiid oo La Kulmay Dhigiisa Dalka Ethopia Hailemariam Desalegn

0

Raisulwasaaraha Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo ku sugan Magaalada  Addis Ababa ee dalka Ethopia ayaa halkaas kula kulmay dhigiisa dalkaas Hailemariam Desalegn.

Labada Mas’uul ayaa kawada Hadlay dhinacyada amniga, xiriirka Labada dal iyo la dagalaanka waxa loogu yeero argagaxisada.

Raisulwasaaraha Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa kaga mahadceliyay dowlada Ethopia Taageerida ay siinayso Soomaliya.

R/wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn  ayaa kulanka kaddib  dhankiisa sheegay in xukuumaddiisu ay dalka Soomaaliya ka taageerayso sidii dib loogu dhisi lahaa awoodda ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed si ay u sugaan ammaanka guud ee dalka.

Sidoo kale Hailemariam ayaa xusay in Ethiopia ay ka go’an tahay inay ka caawiso Soomaaliya wixii ay u baahan yihiin oo ay awoodaan, si dalka iyo ciidamada loogu sameeyo dib u dhis dhameystiran.

Ciidamo ka socda Malatariga Dowlada Ethopia ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ayaa ku sugan Soomaliya kuwasi oo dagaal kula jira Xarakada al-shabaab oo soomaliya ka dagaalanta.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here