Wararka ka Imaanaya degmada afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qeybo kamid ah degmadaas ay kusoo dhacday diyaarad kuwa xamuulka qaada
Diyaaarada ayaa kusoo dhacday inta u dhaxeysa Furuqley iyo war –albaab ee Degmada afgooye ee Gobolka shabeelaha Hoose waxaa la sheegay in ay ka baxday Gudaha Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya
Gudoomiyaha degmada afgooye ee dowlada Soomaliya c/qani yuusuf ayaa idaacada simba u sheegay in ay goor dhaweyd ay deegankaas ku soo dhacday diyaarad kuwa xamuulka qaada
Dhanka kale wararka ayaa sheegaya in deeganka ay diyaarada kusoo dhacday ay kusugan Yihiin ciidamo ka Tirsan kuwa xarakada al-shabaab
Wixii kusoo kordha simbanews.com kala soco

