Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Puntland oo Aqbalay Go’aankii is Casilaada Gudoomiyaha Baarlamanka

0

Xidlhibaanada Baarlamanka Maamulka Puntland kulan ay   Maanta ku yeeshteen Xarunta Golaha wakiilada Maamulka Puntland waxa ay ku Taageereen Go’aankii uu isku casilay Gudoomiyaha Baarlamanka maamulka Puntland Cali xasan shire

46 Xildhibaan ayaa u codeeyay shaqo katagista gudoomiyihii hore ee  Baarlamaanka Puntland Cali xasan shire oo subaxnimadii Maanta ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland .

Kulankii Maanta Lagu Taageeray is casiladii Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland waxaa shir Gudoominaayay Gudoomiye ku-xigeenka  koowaad ee barlamaanka  Maamulka Puntland Cabdi Xamiid Cabdisalaam.

Arintaan ayaa kusoo aadaysa xili Subaxnimadii saakay oo ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland Cali xasan shire in uu iska casilay Xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Maamuka Puntland kadib Mooshin ay ka Gudbiyeen Tiro Xildhibaano ah.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here