Madaxweynaha:-Kuwii ka Dambeeyay Qaraxii lagu laayay Masaakiinta Waxaan Leenahay Ilaahay Abaalkooda aakhiro, Haka Waraabiyo

0

Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud oo si  dareen leh kaga hadlay dadkii soomaliyeed ee ku dhintay qaraxii miino ee ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya.

“Jaamacadda Lafoole baabuuraa ku qarxay. Baabuur Caasi oo rayid saaran yahay ayaa miino jidka loo geliyay, laguna qarxiyay. Waxaa ku dhintay dad badan oo Soomaali ah, waxaana ka mid ahaa aabe iyo saddexdii carruurta ahayd uu dhalay.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa ku tilmaamay kuwa saas sameeyay kuwa doonaya in ay dhabar jaraan umada soomaliyeed madaama hal mar dileen 18-ruux oo hal gaari sarnaaa.

“Dowladda iyo shacabka Somaliyeedna waxaan leenahay ha u soo jeesteen inay meel saaraan. Intii nagu filan oo agoonaa leenahay, in inagu filan curyaamiin oo dagaalku uu waxyeeleeyay, in ku filan ayaa leenahay oo barakacday, oo daarahoodii, guryahoodii iyo deegaankii ay ku noollaayeen ka carartay,

Hadalka Madaxweynaha soomaliya Xasan sheikh Maxamuud aya kusoo beegmaya xili shalay deegaanka Lafoole ay miino kula qaraxday gaari caasi ahaa oo dad shacab ahaa ay saarnaayeen inta la xaqiijiyay 18-ruux ayaa ku dhimatay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here