Munaasabad lagu maamuusayo 56-sano guuradii kasoo wareegtay xornimo qaadashadii Gobolada koofurta iyo israacii waqooyi iyo koofur Isla-markaan ay ka soo qeyb galeen Madaxda ugu Sareysa dalka ayaa Xalay lagu Qabtay Magaalada Muqdisho.
Munaasabada lagu maamuusayo 1-luuliyo ee Xalay lugu Qabtay Caasimada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisulwasaarada Xukuumada Federaalka, Ra’iisulwasaarada Ku Xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Madax kale.
Ra’iisulwasaare ku Xigeenka Dalka Mudane Maxamed Cumar Carte oo khubad ka jeediyey Munaasabada Xuska 1-luuliyo ayaa la ilmeeyey kala Qoqobka umada Soomaaliyeed ka dhex jira waxaan Sheegay in Bulshada Gobalada Waqooyi ay wali utaagan yihiin midnimada Soomaali Weyn waxaana Xusay ilaa xad aysan ka daali doonin sidii loogaari lahaa Soomaaliya oo dib u midowda.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamed oo Khudbad ka Jeediyey Munaasabada ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyey Qiimaha ay leedahay 1-Luuliyo oo ah Markii ay Gobalada Koofurta ay ka Xoroobeen Gumaysitihii Talyaaniga islamarkaan ay mudoobeen Golabada Koofurta iyo Waqooyiga Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay umidoobaan Dib u dhiska Qaranka Soomaaliya iyo in ay iska cafiyaan wax walba oo ay kala tabanayaan si loogaaro hiigsiga Dowlada Xoog badan oo Soomaaliya ay yeelato ku Dhawaad Rubac Qarni Sano oo Soomaaliya ay Mar-xalado kala Duwan ku jirtay.



















