Daaficii Dhexe ee kooxda Liverpool Martin Skrtel ayaa u dhaqaaqay kooxda dalka Turky-ga ee Fenerbahce iyadoo heshiiskiisa la dhameystiray.
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Slovakia oo 31-jir ah ayaa mudooyinkii dambe lala xiriirinaayay kooxda Fenerbahce ee Horyaalka dalka turkey-ga.
Daafacaan dhexe ayaa kamid noqonaya saxiixyada ay sameynayso kooxda reer Turky- iyadoo sidoo kale ku dhow laacibka kooxda Paris Saint-Germain’s Gregory van der Wiel.
“heshiisyada xidigaha Van der iyo Wiel Skrtel waa la dhameeyay ayuu Madaxweynaha Fenerbahce Aziz Yildirim u sheegay AMK Spor.
Dhanka kale kooxda ayaa iska fasaxaysa xili ciyaareedkaan laacibkii hore ee kooxaha Arsenal iyo Manchester United Robin van Persie.

