Martin Skrtel oo ku Biiray Kooxda Fenerbahce iyo Robin van Persie oo ka Tagay

0

Daaficii Dhexe ee kooxda Liverpool Martin Skrtel ayaa u dhaqaaqay kooxda dalka Turky-ga ee Fenerbahce iyadoo heshiiskiisa la dhameystiray.

Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Slovakia  oo 31-jir ah ayaa mudooyinkii dambe lala xiriirinaayay kooxda Fenerbahce ee  Horyaalka dalka turkey-ga.

Daafacaan dhexe ayaa kamid noqonaya saxiixyada ay sameynayso kooxda reer Turky- iyadoo sidoo kale ku dhow laacibka kooxda Paris Saint-Germain’s Gregory van der Wiel.

“heshiisyada xidigaha  Van der iyo  Wiel Skrtel waa la dhameeyay ayuu Madaxweynaha Fenerbahce  Aziz Yildirim  u sheegay AMK Spor.

Dhanka kale kooxda ayaa iska fasaxaysa xili ciyaareedkaan laacibkii hore ee kooxaha Arsenal iyo Manchester United Robin van Persie.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here