Ciidamada Dowlada iyo kuwa Ethopia oo La Wareegay Deegaanka Ceel-Hareeri

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dhulka soomaliya ayaa ku waramaya in ciidamada Dowlada soomaliya oo garab malatari ka helaya ciidamada Ethopia in ay la wareegeen deegaanka Ceel-Hareeri.

Deegaanka oo shalay ay ku  dagaalameen Labada dhinac ayaa la sheegay in mar kale uu dagaalka ka dhacay saakay waxaa ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Amisom u suurta gashay la wareegitaanka degaanka Ceel-Hareeri oo hoos yimaada  degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Maamulka Degmada Ceel-buur  ee Gobolka Galgaduud  ee dowlada Soomaaliya oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed iyo kuwa Ethopia  ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Ceel-Hareeri islamarkaana laga saaray Ciidamada Xarakada Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here